Folkaano ka qaraxday Iceland
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho
Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.
Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.
"Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.
DHaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u sameysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.
"Maskaxdu waxay ledahay kayd ka yar kuwa murqaha jirka oo haddii ay waydo dhiiga waxaa durba bilowda dhimashada xididada," ayuu yiri Dr Gabboose.
Faaliga ama dhan qalalka waxaa uu ka mid yahay saddexda xanuun ee bini’aadamka ku dhaca ee loo dhinto, wuxuu kaloo kaalinta labaad ka gala xanuun kasta oo ku dhaca bini’aadamka ee curyaanimada uga taga
Qiyaasaha ayaa muujinya in cudurka Faaliga uu in kabadan 12 milyan oo qof uu caalamka aafeeyo sanadkiiba.Sii akhri
Wax ka ogow faa'iidooyinka uu kuu leeyahay cambaha
Cambaha waa geed-mirood ka mid ah kuwa muddada dheer qaata inay diyaar noqdaan.
Qolofka cambaha iyo qaabka ayaa kala duwan marka loo eego dalalka. Qaarkood waa kuwo kuusan oo jaalle ah, qaarna waa kuwo dhaadheer oo cagaar ama guduud ah.
Cambuhu wuxuu gaar u yahay Koofurta Aasiya, balse wuxuu haatan ka baxaa dalal badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay.
Siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaalaa, waxaa laga shiitaa cabitaan, halka dadka qaarna ay ansalaatada ku darsadaan.
Nafaqooyinka ku jira
- 80g oo cambe ah waxaa ku jira:
- 0.7g borotiin
- 0.3g dufan
- 11.2g karbohaydaraat
- 1.3g faybar
- 134mg potassium
- 29mg fitamiin C
Xogihii ugu dambeeyay ee labada badmaax ee Maraykanka u dhashay ee lagu waayay xeebaha Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda.
Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu la xariira dhammeystirka howlgalka ka dhanka Al-shabaab.

Xigashada Sawirka, SNTV
100 maalmood oo ka soo wareegatay tan iyo markii Xamaas ay weerartay Israa'iil

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK
Boqol maalmood ka hor, Israa’iil waxay wajahday khatar weyn oo ay dadka qaar ku tilmaameen mid khatar ku ah jiritaankeeda markii Xamaas ay qaadday weerar lama filaan ah.
Kumannaan ka tirsan dagaalyahanada Xamaas oo aad u hubeysan ayaa gudaha u galay xayndaabka xadka Gaza, iyaga oo weeraray Kibbutzim, saldhigyada militariga, iyo magaalooyinka xadka.
Difaaca Israa’iil ee xadka ayaa la jiiray, taasoo keentay in ugu yaraan 1,200 ay ku dhintaan xadka. Muuqaallada naxdinta leh ee dhalinyarada muusikada jecel oo ku sugnaa xafladda Nova ee naftooda la baxsanaya ayaa aad u saamaysay dadka Israel, iyadoo in ka badan 360 qof lagu dilay goobtaas kuwa kalena lagu afduubay oo loo qaaday Gaza.
Dhawaan, kumannaan qof ayaa isugu soo baxay magaalada Tel Aviv si ay u xusaan dhacdooyinkii maalintaas. Qoysaska la qafaashay ayaa waxay wateen boorar, waxayna xirnaayeen funaanado ay wajiyadooda ku xardhan yihiin dadka ay jecel yihiin, iyagoo muujinaya sida ay uga xun yihiin inaysan xog ka hayn iyo sidoo kale xaaladdooda caafimaad.
Dadka la qafaashay oo u badan dad rayid ah ayaa lagu soo warramayaa in loo diiday in ay helaan dawooyin, waxaana xitaa loo diiday in ay soo booqato Laanqeyrta Cas. "Waxaa jira 130 qof, oo u badan dad rayid ah oo lagu haysto oo aan haysan wax dawo ah Laanqeyrta Cas xitaa looma oggola inay soo booqato," ayuu yiri Yossi, oo ka careysan in qoyskiisa ballaaran ay heleen macluumaad yar oo ku saabsan daryeelka jirkooda iyo maskaxdooda.
Difaaca Israel ee la gilgilay ayaa weerarkaas kaga jawaab celiyay ol’ole duqeymo ah oo aan horay loo arag oo ka dhacay Gaza, ujeeddaduna tahay in lagu burburiyo Xamaas iyo qaab dhismeedkeeda taageerada. Qeybo badan oo ka mid ah Gaza ayaa la burburiyay, Israel ayaa sheegtay in Xamaas aad loo wiiqay. Si kastaba ha ahaatee, tirada dhimashada rayidka ayaa ahayd mid aad u badan, iyadoo in ka badan 23,000 la sheegay inay dhinteen, oo badankoodu ay yihiin haween iyo carruur.
Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in 85% dadka Gaza ay barakaceen, taasoo keentay dhibaato bini'aadantinimo "aan loo dulqaadan karin". Iyadoo soo celinta badbaadada la haystayaasha ay weli tahay mudnaanta koowaad ee Israa'iiliyiinta, waxaa jira baaqyo yar oo loo qabo dulqaad iyo wada noolaansho.
Dadka intiisa badan ayaa aaminsan in tani ay tahay khatartii ugu weyneyd ee abid soo wajahda Israa’iil, waxaana dad badan ay taageersan yihiin hadafka dagaal ee dowladdooda ay ka wado Gaza.
Xaaladdu wali waa cakirantahay iyadoo dadaallada gargaarku ay kordhayaan iyo ururrada caalamiga ah ay ka shaqeynayaan sidii ay u yareyn lahaayeen dhibaatada biniaadantinimo
Danmark oo yeelatay Boqor cusub
Frederik X hadda waa Boqorka Danmark, ka dib markii si rasmi ah hooyadiis Queen Margrethe II ugu dhawaaqday inay ka degtay boqortooyada, .
Waxay hadda saxeexday wareejinta rasmiga ah, iyadoo taajkii u gudbinaysa wiilkeeda. Hadda waxa loogu dhawaaqi doonaa boqor ahaan balakoonka qasriga Christianborg.
Boqorad Margrethe ayaa hadda tiri "Alle boqorka ha badbaadiyo."
Wariyaheena Daniela Relph ayaa hadda soo warisay inay dadka soo buux dhaafiyeen Copenhagen ilaa "inta ay ishu arki karto" - sida sawirkan cusub uu muujinayo,

Xigashada Sawirka, EPA
Sawiro:Foolcaanada ka dhacayday Iceland

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Iceland oo ka hadlay Foolkanada halkaa ka qaraxday

Xigashada Sawirka, Facebook/President of Iceland
Madaxweynaha Iceland Gudni Johannesson ayaa sheegay in aysan jirin wax noola ah oo khatar ku jira kadib markii ay saaka qaraxday Foolkanaha.
Qoraal uu soo dhigay X (oo hore u ahaan jiray Twitter), Johannesson wuxuu xaqiijinayaa in magaalada Grindavik si guul leh xalay dadka looga saaray habeenkii.
Qaar ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha ayaa laga yaabaa inay khatar ku jiraan, ayuu yiri, laakiin wuxuu ku daray inaysan jirin wax hakad ah oo ku yimid duullimaadyada - sidii dhacday xilligii qaraxyadii hore.
Folkaano ka qaraxday dal Yurub ku yaalla

Xigashada Sawirka, Reuters
Folkaano ayaa ka qarxday koonfur-galbeed Iceland - waxay ka bilaabatay meel u dhow magaalada kalluumeysiga caanka ku ah ee Grindavik, taas oo dadka laga daadgureeyay.
Waxay bilaabatay abbaare 03:00 GMT, warbaahinta guud ee Iceland ee RUV waxa ay sheegtay in aanay caddayn jihada saxda ah ee ay folkaanada u socoto.
Magaalada Grindavik ayaa dadka laga saaray bishii Nofeembar ee sanadkii hore 2023 sidoo kale waxaa la xiray magaalada Lagoon, oo ah goob dalxiis oo caan ah folkaanada awgeed.
Dawladda Soomaaliya oo u sharaxday Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan tartanka Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya loo sharaxay tartanka Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee sannadaha 2025 illaa 2028.
Fawsiya waxa ay horey u soo noqotay Ra’isul Wasaare Kuxigeen iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya, waxayna noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee qabata xil heerkaa gaarsiisan.
Sidoo kale waxay urur siyaasadeed ay madax ka tahay muddo hore ka furtay Somaliland.
Fowsiya waxay kamid ahayd aasaasayaashii Jaamacadda Hargeysa oo kamid ah Jaaamacaddaha ugu waaweyn Somaliland.
Daawo: Dab xooggan oo ka kacay bakhaar ku yaalla dalka Ruushka
Qoraalka Muuqaalka, Dab xooggan ayaa ka kacay bakhaar ku yaalla dalka Ruushka Dab xooggan ayaa ka kacay bakhaarka Wildberries ee magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka.
Dabka ayaa daboolay ilaa 70,000 oo mitir oo laba jibbaaran, iyadoo ku dhawaad 300 qof oo dabdemis ah ay u halgamayeen daminta dabkaas
Dhammaan shaqaalaha ayaa la sheegay in waqtigooda laga saaray, lamana soo sheegin wax dhaawac ah.
Ciidamada Isra’iill ayaa ku sheegay tirada askarta uga dhimatay Qasa tan iyo markii uu bilowday weerarka dhinaca dhulka ah ee ay ku hayaan Marinka 190 askari

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Askar Israa'iiliyiin ah oo ka dagaalamaya Qasa Ciidamada Israa’iil ayaa maanta oo Axada sheegay in askari kale looga dilay dagaallo ka dhacay koonfurta Marinka Qasa.
Haddaba, tirada dhimashada ciidanka Israa’iil, marka la eego xogta rasmiga ah, waxay gaaraysaa 522 askari, tan iyo markii uu dagaalku qarxay bishii Oktoobar, iyo 188 tan iyo markii uu billowday hawlgallada milatari ee dhinaca dhulka ah ee Israa’iil ku qaaday Qasa.
Ciidamada Israa’iil oo Ol’ole kale oo balaaran ka fuliyay Daanta Galbeed, kaas oo Falastiiniyiin badan lagu soo xirxiray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Ciidamada israa'iil oo wata cagafcagafyo iyo gaadiidka gaashaaman Ciidamada Israa’iil ayaa ol’ole kale ka fuliyay Daanta Galbeed ee la haysto.
Wiil dhalinyaro ah ayaa xabad ay rideen ciidamada Israa’iil haleeshay kahor inta aan la xirin habeenimadii Sabtida Koonfurta Galbeed ee janiin sida laga soo xigtay wakaaladda warrarka ee Falastiiniyiinta.
Barqanimadii maanta oo Axad ah ciidamada Isra’iill ayaa xoog ku galay magaalooyin badan oo ka tirsan Ramallah iyo Al-Bireh, waxayna u daateen guryo ay degan yihiin Falastiiniyiinta, waxaana ay sameeyeen xarig iyo baaritaanno ballaaran.
Hawlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday xaafaddaha Masrac Qarbiya, Caaruura, Bi’ri Sayt, xerada jalisoom, Baytu Riima, iyo waqooyiga Ramallah.
Wakaaladda Wafa ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay xireen Dalal iyo Fatima Al-Caaruuri oo la dhashay Saalax Al-Caruuri oo ahaa ku xigeenkii madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, kaas oo labadii bishan lagu dilay caasimadda Lubnaan ee Beyruut.
Hirshabeelle oo sugeysa dhibco kale oo ay si bilaasha ku hesho kaddib ka bixitaankii Koonfur Galbeed ee Ciyaarraha Maamul Gobolleedyada

Xigashada Sawirka, SFF
Qoraalka sawirka, Kooxda Kubadda Cagta Hirshabeelle Kooxda Kubadda Cagta ee Hirshabeelle oo hadda kaalinta 3-aad kaga jirta kala sareynta Tartanka Kubadda Cagta Maamul Gobolleedyada oo sugeysay in ciyaarta u dambeysa ay la ciyaarto Kooxda Koonfur Galbeed ayaa waxa u soo yeeraya war wanaagsan oo ah in Kooxda Koonfur Galbeed ay ka baxday tartanka.
Sida uu dhigayo xeerka tartanka haddii kooxi ka maqnaato ciyaarta ay ku balansanayd, waxa dhibacaha la siinayaa kooxda soo xaadirtay, taas oo ka macno ah in Kooxda Kubadda Cagta Hirshabeelle ay mar kale helayso sedex dhibcood oo kale oo aanay u dhididin.
Kooxda ayaa horey seddex dhibcood u heshay kaddib markii la ganaaxay kooxdii la ciyaaraysay ee Banaadir, markii ciyaarta la joojiyay daqiiqaddii 70-aad markaas oo rabshado ay ka dhaceen garoonka.
Kooxda Kubadda Cagta ee Hirshabeelle haddii ay hesho dhibcaha ay dhib la’aanta sugeyso, waxay tagi doontaa todobo dhibcood, iyadoo hoggaanka u qaban doonta tartanka.
Kooxda Kubadda Cagta Koonfur Galbeed oo saaka dib ugu laabanaysa Baydhabo kaddib markii ay isaga baxeen tartanka Maamul Gobolleedyada

Xigashada Sawirka, SFF
Qoraalka sawirka, Kooxda Kubadda Cagta Koonfur Galbeed Ciyaartoyda Kooxda Kubadda Cagta Koonfur Galbeed ayaa goordhow lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Baydhabo kaddib markii ay ka caroodeen sidii loo maareeyay amnigooda, xili ay ka soo laabteen ciyaar ay la dheeleen Kooxda Kubadda Cagta ee Galmudug maalintii Jimcaha, markaas oo seddex iyo eber looga soo adkaaday.
Dad taagnaa wadada uu marayay baska ciyaartoyda siday ayaa shiiday ama tuuryeeyay, halkaas oo dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen qaar kamid ah ciyaartoydii baska saarnayd.
Maamulka ciyaarraha ee Koonfur Galbeed ayaa markaa wixii ka dambeeyay sheegayay in ay isaga baxayaan tartanka, waloow ay jireen dadaallo dhinacyo kala duwan ay wadeen oo la doonayay in kooxda lagu qanciyo in tartanka ay ku laabato.
Kooxda waxa u harsanaa hal kulan oo kaliya kaas oo ay la ciyaari lahayd Kooxda Hirshabeelle.
Kooxda Koonfur Galbeed ayaa ugu hooseysa xagga kala sareynta dhibcaha kooxaha ka qaybgalaya tartanka Maamul Gobolleedyada, iyadoo haysta seddex dhibcood oo kaliya.
Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya ayaa horey u sheegay in tartanka la hakiyay muddo seddex maalmood ah sababbo la xiriirra rabshidihii dhacay kaddib ciyaartii Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Xiriirka ayaa sheegay in tartanka dib loo bilaabi doono maalinta Salaasada ah.
Tababaraha Kooxda Manchester United oo sheegay in kooxdu u baahan tahay ciyaartoy u dagaalami kara magaca kooxda

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Erik ten Hag Milkiilaha cusub ee qaybta ka helay saamiga kooxda Sir Jim Ratcliffe ayaa la filayaa in uu xaadiro Old Trafford kulanka Manchester United ay la ciyaari doonto Tottenham maanta oo Axada.
Xidigga garabka midig uga ciyaara xulka qaranka England Jadon Sancho ayaa amaah ugu biiray todobaadkan kooxda Borussia Dortmund inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kaddib markii ay isku dheceen tababaraha kooxda Ten Hag xiliyada lagu jiro tababarka.
"Haddii aad rabto inaad soo bandhigto ciyaar wanaagsan, waxaad u baahan tahay ciyaartoy u ooman in ay guul keenaan," ayuu yiri.
“Waxaan u baahanahay shaqsiyaad iyo ciyaartoy aad ugu ooman in ay ugu dagaalamaan magaca iyo sumcadda kooxdan”.
United ayaa laga adkaaday 14 kulan dhammaan tartamada ay ciyaartay ilaa haatan, waxayna kooxdu ka fikiraysaa ciyaartoyda ku haboon ee ay iibsan karto xiligan uu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Tababaraha reer Holand ayaa intaa ku daray "Ma aha wax ku saabsan anshaxa, ee waxay ku saabsan tahay dhaqanka caadiga ah. Waxay ku saabsan tahay waxa aad ka filan karto xirfadle sare."
Dagaalka Qasa oo galay maalintisii boqollaad, iyo Falastiniyiinta oo isku dayaya in ay dib ugu laabtaan guryahooda

Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Qoys dhex jooga gurigoodii oo burburray Maanta oo Axad ah ayaa boqol maalmood laga joogaa markii uu bilowday dagaalka Qasa, waxaana Falastiiniyiintu ay isku dayayaan in ay dib ugu laabtaan guryahoodii ay ku qasbanaadeen in ay ka baxaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka, gaar ahaan waqooyiga iyo bartamaha marinka Qasa, iyagoo tixraacaya hadalladii u dambeeyay ee Israa’iil ee ku saabsanaa suurtagalnimada in Falastiiniyiinta dib loogu celiyo deegaannadooda iyo dhimista hawlgallada milatari ee waqooyiga marinka Qasa.
Kalkaaliye caafimaad oo hawlgab ah oo la yiraahdo Nabiil Tawfiq ayaa go’aansaday in uu dib uga laabto isaga iyo qoyskiisuba gurigooda oo qayb ahaan la burburiyay oo ku yaala xaafadda Al-Rabat ee degmada Beyti Laahiya ee waqooyiga Marinka Qasa, kaddib markii ciidamada Israa’iil ay isaga baxeen agagaarka xaafaddooda.
Tawfiiq oo u warramayay barnaamijka Qasa Today ee BBC-da ka baxa ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisuba ay ku noolaayeen guri ku yaalla xaafadda Rabat in ka badan soddon sano, iyagoo ah qoys kor u dhaafaya 40 qof kuwaas oo ku noolaa hal guri. waxaa lagu qasbay in ay ka qaxaan bilowgii dagaalka, isagoo oo ku nuuxnuuxsaday in markii ay soo noqdeen ay arkeen guriga oo gebi ahaantiiba burburay.
“Waxaan ku soo laabanay guriga oo waxaan aragnay in uu burburay, mana lahan biyo, koronto, iyo wax kasta oo noloshu u baahan tahay. Waxaan raadinaynaa qol aynu dagno, waxaynu isku dayi doonnaa inaynu hagaajinno si aynu nolosheenna u sii wadano, laakiin waxaan u baahannahay biyo, iyo gaas ayuu yiri Towfiiq.”
Arooryo Suuban Saaxiibbayaal, ku soo dhawaada tabinta tooska ah ee BBCSomali.com
DAAWO:Dabaal degga Taiwan kadib markii ay doorteen madaxweyne cusub
Qoraalka Muuqaalka, DAAWO:Dabaal degga Taiwan kadib markii ay doorteen madaxweyne cusub
