20 ku dhaawacantay qarax ka dhacay bariga Turkiga

Turkiga

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Waa sawir hore oo muujinaya qarax ka dhacay dalka Turkiga
Published

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa sheegtay in 20 qof ay ku dhaawacantay kaddib markii gaari lagu qarxiyay xarun boolis oo ku taalla gobalka Van, ee xadka dalkaasi uu la wadaago Iiran.

Muuqaalo laga baahiyay telefishannada ayaa tusayay dhawr ka tirsan gawaarida booliska iyo kuwa gurmadka oo ku sugan goobta.

Lama garanayo cidda ka dambaysay weerarkaas.

Dawladda Turkiga wali kama aysan hadlin qaraxaasi.

Mintidiin ka tirsan Kurdiyiinta ayaa aalaa weerarro u gaysto saldhigyada ciidammada ammaanka ee dalka Turkiga.