Ahmad al-Faqi al-Mahdi oo ka raali galiyay burburintii dhismayaashii Timbuktu isagoo jooga maxkamadda caalamiga ee danbiyada

Mahdi

Xigashada Sawirka, APA

Qoraalka sawirka, Mahdi ayaa sheegay inuu ka shalaayay danbiga uu sameeyay wuxuuna waydiistay in la cafiyo
Published

Mid ka mid maleeshiyaadka Islaamiga ah ayaa qirtay inuu soo abaabulay burburinta dhismooyin taariikhi ah oo ku yaal magaalada Timbuktu, mar ay socotay dacwadeyntiisii ugu horreysay ee ka dhacaysa maxkamadda danbiyada ee caalamiga ee ICC.

Dacwada ayaa loo haystaa inuu galay dambi dagaal oo la xiriira burburinta dhismooyin taariikh leh oo ku yaalay magaalo caan ah.

Axmed Al-faqi Al-mahdi ayaa maxkamadda u sheegay inuu aad uga xun yahay falalkii uu sameeyay, waxa uuna ugu baaqay muslimiinta kale in aanay ku dayan ficikiisa.

Dacwad ooge Fatsou Bensouda ayaa sheegtay in burburinta ay dhibaato weyn u gaysatay sharafta guud ahaan bulshada, hasa yeeshee kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in ay aheyd in sidoo kale ninkaasi loo maxkamadeeyo dambiyada uu ka galay bulshada.,

Waxaa suuragal ah in Axmed Al-fiqi lagu xukumo 30 sano oo xarig ah.

Qabri la duduminayo

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

Qoraalka sawirka, Mahdi ayaa loo haystaa inuu burburiyay masaajidyo iyo qabriyo