Madxafyada oo lacag u aruurinaya dhulgariirka

Mid ka mid ah shaqaalaha gurmadka oo dul taagan burburka magaalada Amatrice

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah shaqaalaha gurmadka oo dul taagan burburka magaalada Amatrice
Published

Lacagaha ay aruuriyaan Matxafyada dalka Talyaaniga maalmaha Axadda ah ayaa si khaas ah loogu qoondayn doonaa dib u dhiska dhulgariirkii Arabacadii dhacay ee ay ku dhinteen 291-da ruux.

Kiniisado badan iyo dhismeyaal kale oo qadiimi ah ayaa ku burburay dhulgariirkii cabirkiisa lagu qiyaasay 6.2 ee ku dhuftay Amatrice iyo qaybo kale oo gobolka dhexe ka tirsan.

Duqa magaalada Amatrice ayaa sheegay in uu doonayo in uu soo celiyo wakhtigii wanaagsanaa ee ay soo martay.

Ra'iisalwasaaraha iyo Madaxwaynaha dalkaasi ayaa ka wada qaybgalay Axaddan maanta ah aas loo samaynayay 35 ruux oo ku dhimatay dhulgariirka.

Inta badan kiniisadihii iyo dhismayaashii qadiimiga ahaa ayaa burburay

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Inta badan kiniisadihii iyo dhismayaashii qadiimiga ahaa ayaa burburay
nin murugaysan, 27 August 2016

Xigashada Sawirka, AP

Rai'iisalwasaare Matteo Renzi (bidix) ayaa ka qaybgalay aaska isaga oo ay weheliso xaaskiisa Agnese

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Rai'iisalwasaare Matteo Renzi (bidix) ayaa ka qaybgalay aaska isaga oo ay weheliso xaaskiisa Agnese
Duqa magaalada Amatrice Sergio Pirozzi (bidix) oo uu weheliyo madaxwayne Mattarell (dhexda)

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Duqa magaalada Amatrice Sergio Pirozzi (bidix) oo uu weheliyo madaxwayne Mattarell (dhexda)