Dhimashada weerarka hotelka SYL ee Muqdisho ayaa korortay oo gaartay ilaa laba iyo labaatan
Published
Sida ay wararka sheegayaan ugu yaraan laba iyo labaatan qof ayaa ku dhintay weerar qarax baabuur oo lagu qaaday hotelka SYL ee Muqdisho. In ka badan soddona way ku dhaawacantay.
Masuuliyiinta Soomaaliya ee ay ka mid yihiin madaxweynaha, ra'iisalwasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa cambaareeyay weerarka.
Wariyaha BBC Ibraahin maxamed Adan ayaa warbixintan ka soo diray weerarka.