Doorashada Gabon: Ciidamada ammaanka oo weeraray xarunta mucaaradka kadib muran ka dhashay doorashada

Holac ka baxaya baarlamaanka

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Holac ka baxaya baarlamaaka kadib markii dab la qabadsiiyay
Published

Iska hor imaad ayaa ka dhacay Gabon, kadib markii madaxweynaha xilka haya Cali Bongo lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashada in ka yar lix kun oo cod.

Mucaaradka Jean Ping, ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen markii ciidamada ammaanka ay galeen xarunta mucaaradka xalay.

Afhayeenka dowladda ayaa sheegay in howlgalka loogu tala galay in lagu helo dadkii masuulka ka ahaa gubista baarlamaanka Arbacadii.

Kormeeraha doorashada ee Midowga Yurub, Sarah Crozier, ayaa xaqiijisay in iska hor imaadyo ay ka dhaceen magaalo madaxda Libreville iyo Port-Gentil.

Taageerayaasha Mr Ping

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Mr Ping ayaa ka hor imaaday boliiska
Ciidamada Gabon

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY

Qoraalka sawirka, Ciidamada ayaa loo yeeray si ay u kala cayriyaan dadka mudaaharaadaya
Cali Bongo

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Qoraalka sawirka, Cali Bongo ayaa xilka kala wareegay aabihiis Cumar Bongo
Jean Ping

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mucaaradka Jean Ping ayaa ahaan jiray Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika 2008 ilaa 2012