Hargaysa iyo diyaar garowga Ciidul-adxaa

Qoraalka Codka, Dadka oo gadanaya alaabta ciidda
Published

Ayadoo ay maalmo kooban uun ay ka harsan tahay dabaaldegga Ciidul Adxaa, ayaa waddada marta bartamaha suuqa weyn ee magaalada Hargeysa waxa ay la ciirciireysa ganacsatada wadhatada oo dharka iyo qalabka ciidda ku iibinaya.

Dad u badan dumar ayaa gadanaya badeecaha halkaasi lagu kala iibsanayo ee loogu diyaar garoobayo ciidda.

Weriyaha BBCda ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa suuqaasi tegay oo waxa uu la hadlay ganacsatada iyo dadka wax ka iibsanayaba, kaddibna warbixintan ayuu inooga soo diray.