Soros oo bixinaya $500 milyan oo lagu caawiyo qaxootiga iyo muhaajiriinta

George Soros

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, George Soros ayaa lacagtiisa dadka ku caawiya caalamka
Published

George Soros oo leh balaayiin lacag ah, ayaa sheegay inuu ku bixin doono $500 milyan mashruuc lagu caawinayo qaxootiga iyo muhaajiriinta.

Hay'adiisa Open Society Foundation, ayaa maamuli doonto lacagta lagu bixinayo dhamaan caalamka.

"Waxaan maalgalin doonaa hal abuurka ganacsiga, ganacsiyo hirgashan. ganacsiyo bulshada saamayn ku leh iyo ganacsiyo ay bilaabeen qaxootiga iyo muhaajiriinta" ayuu sheegay Soros.

"Waxaan xooga saaraynaa adeegyo ay ka faa'idaystaan muhaajiriinta iyo waddamada ay joogaan."

Isagoo ku qoray Wall Street Journal, Soros ayaa sheegay inuu la shaqayn doono xafiiska hayadda qaxootiga ee UNHCR iyo International Rescue Committee si go'aan looga gaaro sidii lacagta loo qarash garayn lahaa.