Osborne: Taajiriinta ayaa lacagtooda kordhaysaa siyaasada lacagta darteed

Xigashada Sawirka, Bloomberg TV
Taajiriinta ayaa lacagtooda kordhaysaa sababtoo ah siyaasada UK ee lacagta dulsaarka oo aad u yar awgeed iyo lacagta ay dowladda daabacdo ayuu sheegay wasiirkii hore ee maaliyada ee UK George Osborne.
isagoo la hadlaya Bloomberg TV, ayuu sheegay in siyaasada lacagta ee UK ay nolosha dadka caadiga ah adkaysay.
Siyaasadaha ayaa la sameeyay ka dib markii ay dhaceen dhibaatooyinka bangiyada 2008-dii iyo dhaqaalo yaraantii ka danbaysay.
Wuxuu sheegay siyaasadaha in loo baahnaan si dhaqaalaha loo adkeeyo ,laakiin saamaynta uu yeeshay waa in la yareeyaa.
Ma aha wax cusub in siyaasadaha lacagta ee UK ay ka faa'idaysteen dadka lacagta leh ee sicirka guryahoodu kordhayaan iyo sicirka saamiyadaha ay shirkadaha ku leeyihiin. Laakiin waxaa qasaaray dadka ay lacagta bangiga u taallo UK oo hela dulsaar aad u yar.
Laakiin, markuu ahaa wasiirka maaliyada, Mr Osborne, ayaa xooga saaray sidii loo kordhin lahaa dhaqaalaha, oo looga hortagi lahaa hoos u dhaca.
"Maanta wuxuu sheegay: "Waa inaan dheelitirnaa siyaasada lacagta, iyo saamaynta ay ku leedahay dadka. Waxay kordhisaa lacagta taajiriinta, waxayna dhib ka dhigtay nolosha dadka caadiga".











