Olole lagu wacyigelinayo dhallinyarada Soomaalida

Qoraalka Codka, Olole lagu wacyigelinayo dhallinyarada Soomaalida
Published

Maxamed Cumar Cismaan waa khabiir dadka bara cilmiga horrumarinta aadanaha, waa nin dhallinyaro ah oo kolba intuu magaalo tago dhallinyrada ku wacyigeliya qaabka ugu wanaagsan ee noloshooda u maarayn lahaayeen.

Maxamed Cumar marka laga soo tago inuu dadka hor istaago oo uu wax u sheego, waxaa kaloo jira inuu kummanaan dhallinyaro ah kala hadlo dhinaca baraha bulshada, gaar ahaan Facebooga,

Cabdirisaaq Xaaji Catosh oo arrimahaasi ka wareystay ayaa ugu horreyn weydiiyay bal in uu ii sharxo cilmiga horumarinta bulshada ee uu dadka baro.