Wasiirka amniga ee Galmudug oo ka hadlay weerar saldhig ciidamada

Qoraalka Codka, Wasiirka Amniga ee Galmudug oo ka hadalay weerarka ciidamada
Published

War is khilaafsan ayaa waxay ka imaanayaan gobolka Mudug, halkaas oo la sheegay in dagaal uu ka dhacay.

Maamulka Galmudug waxa uu sheegayaa in xarun ciidamadooda diyaarado weerareen, laguna dilay ilaa 20 askartooda, 16 kalena ay dhaawac yihiin.

Wasiirka amniga ee Galmudug, Cismaan Ciise Nuur, ayaa BBC-da u sheegay in 20 askari ay uga dhimatay weerarka, wuxuuna masuuliyadda ku eedeeyay Mareykanka iyo Puntland.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Adan, oo wareystay ayaa marka hore waxa uu weydiiyay inuu sharaxo qasaaraha.