Baaritaan lagu wado shilkii tareen ee ka dhacay New Jersey

Shaqaale ayaa fiirinaya qasaaraha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shaqaale ayaa fiirinaya qasaaraha
Published

Baarayaasha mareykanka ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in ay heelaan qalabka duuba macluumaadka ee tareenkii shilka ku galay New Jersery.

Ugu yaraan hal qof ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhintay in kabadan boqolna ay dhaawacmeen shilkaasi oo shalay ka dhacay New Jerset, kaddib markii tareen uu ku dhacay darbiga maxaddada tareenada ee Hoboken.

Idaacadda magaalada ayaa sheegtay in tareenka uu ku dhacay meesha tigidhada laga goosto ee saldhiga tareenka ee Hoboken.

Rakaab badan ayaa isticmaala tareenka oo u socda Manhattan.

Afhayeenka New Jersey Transit, Jennifer Nelson, ayaa wariyayaasha u sheegtay in 20 baabuurta caafimaadka ay dadka dhaawaca isbitaalka u qaadeen.

Ben Fairclough, oo ahaa goobjooge ayaa BBC u sheegay in tareeenka uu u ekaa inuu jidka ka baxay.

Saqafka saldhiga tareenka ayaa soo dumay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Saqafka saldhiga tareenka ayaa soo dumay
Rakaabka saarnaa tareenka oo qaar badbaaday

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Rakaabka saarnaa tareenka oo qaar badbaaday
Shaqaalaha gargaarka oo daawaynaya dhaawaca

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shaqaalaha gargaarka oo daawaynaya dhaawaca
New Jersey Map
line