Dhallaan isbatalka weyn ee Hargeysa looga dabiibayo nafaqo darro

Qoraalka Codka, Canug ay soo ridatay nafaqo darro oo lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee Hargeysa
Published

Qeybta daaweynta carruurta ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa maalmahan dambe la keenayay carruur yar-yar oo nafaqo darro hayso, kuwaasoo intooda badan laga keenay dhulka miyiga ah.

Xaaladda carruurtaasi ayaa kala duwan, waxaana ka mid ah qaar aad ula ildaran nafaqo darrada.

Abaar ba'an ayaa dhawaan ku dhufatay deegaanno ka tirsan Somaliland, taasoo saameynta ugu badan ku yeelatay reer miyiga.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, ayaa booqday qeybta carruurta nafaqo-darradu hayso lagu dabiibo, kaddibna warbixintan ayuu inooga soo diray.