Dhageyso: Mustaqbalka xisbiga Jamhuuriga halkuu ku dambeyn karaa?
Published
Afhayeen aqalka wakiillada ee dalka Mareykanka, Paul Ryan, wuxuu sheegayaa in hadda iyo wixii ka dambeeya uusan u ololeyn doonin musharraxa xisbigooda Jamhuuriga, Donald Trump.
Donald Trump ayaa u sheegay Paul Ryan inuu shaqooyiinka muhiimka ah ka shaqeeyo halkuu asiga la dagaalli lahaa.
Hdaba dhibaato noocee ah ayey ku tahay xisbiga Jamhuuriga inuu mar sedaxaad uu waayo aqalka Cad ee Mareykanka?
Su'aashaas iyo kuwa kale ayaa Dr Sacad Sheekh Cusmaan uu u sharaxay Axmed Xaji Xasan.