Buug uu qoray Prof Cabdi Ismaaciil Samatar

Qoraalka Codka, Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa dhawaan soo bandhigay buug la magac baxay dimoqaradiyiin
Published

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa dhawaan soo bandhigay buug la magac baxay dimoqaradiyiintii ugu horreeyey ee Africa: Adan Cabdulle Cismaan iyo C/risaaq X. Xuseen.

Buugga ayaa si cad u sharraxaya taariikhda Soomaalida ee xilligii ay gobannimada qaadatay. Ayadoo dalal badan oo afrikaan ah markii ay gobannimada qaateen ka dib ay gacanta u galeen kali taliyeyaal, loona arkay in hogaanka siyaasadda uu yahay mid sidiisaba noocaas ah, ayuu professorku buugga ku sharraxayaa in Soomaaliya ay ka hirgashay dimoqaraadiyad dhab ah.

Taariikhda xagga siyaasadda ee Aadan C/lle Cismaan iyo C/risaaq X. Xuseen ayuu si gaar ah ugu soo qaatay kuwaasoo uu sheegay in ay jebiyeen xukun jacaylkii laga citiqaadsanaa madaxda Afika. Farxaan Maxamed Jimcaale ayuu u warramay.