Banaanbaxayaal iyo Booliska Senegal oo isku dhacay

Published
Booliska ayaa gaaska dadka ka ilmaysiiya u isticmaalay inay ku kala eryaan banaanbax ay mucaaradka ka dhigayeen caasimadda Senegal ee Dakar.
Banaanbaxayaasha ayaa ku baaqayey in si fiican daaha looga qaado maaraynta khayraadka dabiiciga ah. Dhawaan ayaa shaaca laga qaaday in Senegal ay soo saari doonto saliid iyo gaas.
Mucaaradka ayaa ku eedeynaya in madaxweyne Macky Sall walaalkiis uu shirkad ajnabi ah gacan ka siinayo sidii ay tartanka soo saarista ugu guulaysan lahayd, isagoo waliba maamulkeeda ku jira.








