Kooxda Waayaha Cusub oo Maraykanka lagu casuumay
Published
Waxaa maalmahan waddanka Mareykanka ku sugan fannaaniinta kooxda Waayaha Cusub, kuwaasoo uu casuumay tiyaatarka Cedar si ay ugu qeyb qaataan barnaamij la magac baxay Midnimo.
Kooxdaasi ayaa inta ay joogto Mareykanka, waxa ay dhalinyarada Soomaalida ah ee ku nool gobolka Minnesota u samayn doonaan barnaamijyo wacyi-gelin iyo madadaalo isugu jira.
Haddaba weriyaheenna dalka Mareykanka, Maxamed Xaaji Xuseen Shiine, ayaa wareystay xubnaha kooxdaasi.