Xabad joojinta Yaman oo maanta ay ugu dambeysay

Xigashada Sawirka, AFP
Qaramada midoobeey waxay isku deyeysaa in la kordhiyo heshiiska xabad joojinta seddaxda maalmood ka socotay dalka Yaman, taas oo maanta dhammaanaysa.
Balse, weli waxay dagaallo ka socdaan qaar ka mid ah deegaanada dalkaasi, sida dad goob joogayaal ah ay ku warramayaan.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Yaman, Ismaaciil Ould Sheekh Axmed, waxa uu sheegay in heshiiska xabad joojinta ay si wanaagsan kooxaha u aqbaleen.
iskuduwaha arrimaha aadanaha ee UN u qaabilsan dalka Yaman, Jamie McGoldrick, ayaa sheegay in cunto iyo daawo la gaarsiiyay shacabka muddadii xabad joojinta ay socotay.
Goobaha gargaarka la gaarsiiyay waxaa ka mid ah deegaanada fog ee miyiga ah oo aanan gurmad helin muddadii colaadaha ay dalkaasi ka socdeen.








