Safaaradda Maraykanka ee Nairobi oo maanta xiran

Xigashada Sawirka, AP
Maraykanka ayaa maanta oo Jimco ah xiray Safaaradiisa magaalada Nairobi ka dib markii Khamiistii banaanka Safaaradda lagu toogtay nin tooreey ku dhaawacay askari boolis ah
War kooban oo lagu daabacay bogga ay safaaradu ku leedahay Interneetka ayaa lagu sheegay in la joojiyay adeegyadii Qunsuliyada, balse adeegyada deg deg ah ee ay u baahan yihiin muwaadiniinta Mareykanka ayaa wali shaqeynayo.
Adeega safaaradda ayaa si buuxda loo soo celin doonaa Isniinta, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay safaaradda.
Booliska wuxuu sheegay in sarkaalka la dhaawacay uu ilaalo ka hayay mid ka mid ah iridaha safaaradda markii ninkaasi uu tooreey gacanta uga dhuftay sarkaalka
Mas'uul ka tirsan Booliska ayaa sheegay in ninka weerarka soo qadaay uu u dhashay Kenya, wuxuuna deegaan ahaan ka soo jeedaa Wajir. Sababta ka dambaysay weerarkaasi wali ma cadda.








