Daawo: doorashada Aqalka Hoose ee Soomaaliya

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: doorashada Aqalka Hoose ee Soomaaliya
Published

Ka dib dib u dhac labo isbuuc ah waxaa dib u billowday doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaliya. Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ayay ka socdaan.

Labaddan maamul goboleed ayaa ilaa iyo hadda doortay qaar ka mid ah tirada xubnaha loo asteeyay, waxaana doorashadan lagu tilmaamay mid si nabdoon oo hagaagsan u dhacday.