Abwaan suugaantiisa ku soo bandhiga baraha bulshada

Qoraalka Codka, Axmed Aw Geeddi wuxuu suugaantiisa ku soo bandhigaa baraha bulshada
Published

Waxyaabaha ka qayb qaata sanadahan danbe soo caanbixidda fanaaniinta iyo abwaanada waxaa ka mid ah iyagoo suugaantooda, heesahooda, gabayadooda iyo riwaayadahoodaba baraha bulshada ee internetka iyo facebook ku faafiya.

Weriyaha BBC Axmed Saciid Cige ayaa abwaanka Axmed Aw Geedii oo ka mid ah abwaannada tobankii sano ee ugu danbeeyay soo dhigayay baraha bulshada suugaantiisa ku wareystay magaalada Hargeysa.