Tartanka kubada koleyga gabdhaha ee Soomaaliya oo ka furmi doona Garoowe
Published
Magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa dhawaan waxaa lagu qaban doonaa tartanka gabdhaha ee kubadda kolayga.
Tartankan ayaa waxaa lagu wadaa inay ka soo qeyb galaan kooxaha kubadda kolayga gabdhaha ee maamul goboleedyada Soomaaliya.
Tartankan ayaa waxaa fududaynaysa hay'adda USAID.
Haddaba Faadumo Cali Nuur, waa wakiilka Puntland u qaabilsan guddiga ciyaaraha Olympic-da Soomaaliyeed oo tartankaasi qabanqaabineysa, waxay u warrantay Axmed Xaji Xasan.