Dr Gaboose oo ka hadlaya sababaha dhiig karka ugu batay Afrika
Published
Daraasad uu sameeyay ururka caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa lagu ogaaday in qiyaastii 46% dadka Afrikaanka ah ay qabaan xanuunka dhiig-karka, taas oo ah tirada ugu badan adduunka.
Daraasaddu waxay sheegtay in qaab nololeedka dadka Afrika oo aan caafimaad ku dhisnayn ay keeni doonto in dad ka badan kuwa u dhinta cudurrada la is-qaadsiiyo ay u dhiman doonaan dhiig-kar arka la gaaro sanadka 2030.
Qoraaga cilmi-baaristan waxaa uu sheegay in waxyaabaha la soo ogaaday ay naxdin leeyihiin, maadaama uusan filayn tiro sidaas u badan inuu arko waqti badan.