Qaraxyo ka dhacay dalka Mexico oo 29 qof ay ku dhinteen

Qoraalka Muuqaalka, DAAWO: Qaraxyo ka dhacay Mexico
Published

Qaraxyo is xigxigay oo aad u badan ayaa waxay ka dheceen suuq ku yaalla duleedka caasimadda dalka Mexico.

Suuqa ayaa lagu iibiyaa rashka iyo baaruud xilliyada dabaaldegyada la adeegsado. Maamulka dalkaasi wuxuu sheegayaa in ugu yaraan 29 qof ay ku dhinteen.

Sidoo kale, tobannaan qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxyada.

Muuqaal la yaab leh oo si toos ah TV looga baahiyay ayaa muujinayay sida uu ku bilowday dab qabsaday qeyb ka mid ah suuqa.

Ka dibna meesha waxaa la arkayay qaraxyo si is-xigxiga u dhacaya iyo holac iyo qiiq hawada isku shareeray.

Dabka ayaa hadda la demiyay

Xigashada Sawirka, MEXICAN RED CROSS / TWITTER

Qoraalka sawirka, Dabka ayaa hadda la demiyay

Dadka ayaa ka kala cararay suuqa San Pablito cabsi aawadeed.

Dhacdooyiin tan la mid ah ayaa suuqan baabi'iyay sanadkihii 2005 iyo 2006-dii.