Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo la dhaariyay

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo manta la dhaarinayo.
Qoraalka sawirka, Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo manta la dhaarinayo.
Published

Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay dugsiga sare ee booliiska "Jeneraal Kaahiye" ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ladhaariyay 283 Xildhibaan oo isugu jira labada Aqal ee Baarlamaanka.

Diyaargarowga dhaarinta xildhibaanada

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Diyaargarowga dhaarinta xildhibaanada

Dhaarinta xildhibaanada kaddib ayaa baarlamanka cusub wuxuu yeeshay kalfadhigiisa ugu horeeyay, waxayna guddoomiye ku meel gara ah u doorteen Cusmaan Cilmi Boqore oo ah qofka ugu da'da weyn xubnaha baarlamaanka. Wuxuu hoggaamin doonaa baarlamaanka ilaa iyo inta laga dooranyo guddoon rasmi ah.

Qoraalka Muuqaalka, QM: Faragelin ayaa lagu hayaa doorashada Soomaaliya

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin dhowr ah. Ciidammada ammaanka oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa lagu arkay waddooyin ka baxsan halka ay ka dhaceyso munaasabada.

Baarlamaankan oo ah kii 10-aad ayaa lagu wadaa inuu wakhti u qabto doorashada madaxweynaha oo dhowr jeer dib loo dhigay.

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: 'Musuq iyo handadaad' hareeyay doorashada Soomaaliya