Waraysi: Ikraan Absuge, xildhibaanadda ugu da'da yar Baarlamaanka
Published
Xarunta dugsiga sare ee Booliska ee magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay munaasabad lagu dhaariyay xildhibaannada cusub ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaannada waxaa ku jira kuwo siyaasadda ku cusub, waxaana ka mid ah Ikraan Absuge oo ay tahay markii ugu horraysay ee ay siyaasadda gasho.
Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo waraystay ayaa ugu horayn weydiiyey bal inay u sharraxdo dareenkeeda sida uu yahay.