Ugu yaraan 28 ku dhimatay qaraxyo ka dhacay bartamaha suuq ku yaalla Baqdaad

Xigashada Sawirka, AFP
Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay, 40 kalena way ku dhaawacantay laba qarax oo ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaalla Baqdaad.
Saraakiisha dowladda Ciraaq ayaa sheegaya in labada qarax ay ka dheceen bartamaha suuqa.
Suuqa la qarxiyay waxaa lagu iibiyaa qalabka gawaarida, sida Booliska ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Ciraaq ayaa laga soo xigtay in qof uu is qarxiyay, ka dibna dadkii u soo gurmaday dhaawaca lagu qarxiyay gaari.
Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa sheegtay in dagaalyahannadeeda ay fuliyeen weerarkaasi is miidaaminta ahaa.
Daacish ayaa fuliso weeraro ku dhow inay maalinle noqdaa oo qaraxyo iyo rasaas isugu jira.
waxay badankooda la eegtaan meelaha dadka ay ku badan yihiin ee caasimadda Baqdaad.
Laakiin, xarunta ay ugu xoogga badan yihiin ee dhanka Waqooyiga, ciidamada ayaa ka wado dagaal aad u xoog badan.
Moosil ayaa laga saaray inteeda badan dagaal yahanada daacish, balse dhaqdhaqaaq ayey ka muujinayaan qeybaha kale ee dalka.













