Diiwaangalinta Murashaxiinta gudoonka baarlamaanka oo Muqdisho ka socota

Qoraalka Codka, Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda diiwaangalinta murashaxiinta u tartamay
Published

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda diiwaangalinta murashaxiinta u tartamaya xilka gudoomiyaha baarlamaanka cusub iyo kuxigeenadiisa.

Diiwaangalinta oo ku eg maalinta berito ah ayaa la filayaa in mudanayaal dhawr ah ay xilalkaasi isku soo taagaan.

Doorashada gudoomiyaha iyo kuxigeenada ayaa la filayaa sida jadwalku yahay in la qabto 11ka iyo 12ka bishan aynu ku jirno ee Janaayo.

Haddaba weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan ayaa la hadlay gudoomiyaha gudiga doorashada gudoonka baarlamanka Xildhibaan Cabdiraxman Ducaale Beyle, wuxuna weydiyay halka ay marayso diiwaangalinta murashaxiinta.