Reer guuraa ku dhibaataysan gobolka Bari ee Soomaaliya
Published
Waxaa lagu soo waramayaa in qoysas badan oo reer guuraa ah ay ku dhibaataysan yihiin gobolka Bari ee Soomaaliya.
Dadkan ayaa deegaanadii ay ku noolaayeen waxa ay uga barakaceen abaar daba dheeratay, waxa ayna dhaan raaceen daruur ka da'day deegaano ka tirsan gobolka Bari.
Dadkaasi ayaa markii hore halkaasi lagu geeyay gawaari, haatanse waxaa soo wajahay xaalad adag oo nololeed.
Haddaba xaaladda ay dadkaasi ku nool yihiin ayaa waxaannu waraysannay Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Bari ee Soomaaliya, Maryan Maxamed Xasan (Maryan Gaduudo), oo deegaankaasi dhawaan booqatay, khadka taleefanka ee Boosaaso ayuu Cabdifitaax Ibraahim Cagayare marka hore ku waydiiyay halka ay dadkaasi ka yimaadeen iyo xaaladda ay ku nool yihiin?