Shirka Amniga Afrika oo dalka Mali lagu qabanaayo

Xigashada Sawirka, AFP
Ku dhowaad 40 madaxweyne oo ka kala socoda dalalka Afrika iyo madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa la filayaa inay ku kulmaan caasimadda Mali ee Bamako, 27-ka bishan.
Waxay ka wada hadli doonaan arrimaha la xiriira amniga qaaradda Afrika.
Kullanka ayaa wuxuu ku soo aadaayaa xilli dalka Mali weli ay ka dhacaan weeraro, waxaana ku sugan kooxo Islaamiyiin ah.
Isbuucan oo keli ah, shan askeri ayaa Mali looga dilay gaari ku qarxay Waqooyiga Dalkaasi.
Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in marti gelinta kullan heerkaa ah oo wufuud caalami ah ay ka qeybgalayaan inay Suuragal noqon karto.
Balse waxaa weli shaki laga muujinayaan sugidda amniga shacabka. Waxaana jiro walaac ku saabsan maalgelinta amniga guud ee Mali.
Sida uu sheegayo Gudoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka, Abdullah Coulibaly, caasimadda Bamako waa meel amni ah oo lagu qaban karo kullanka, dhaqaalana ay u hayaan.
Waxaa hooseeya in kullankaasi laga fisho inuu xalliyo amnidarada ay shacabka wajahayaan.
Caasimadda Bamako, waxaa weli lagu qaadaan weeraro. Mid kii ugu dambeeyay ee November 2015-kii ee hoteelka Radisson waxaa lagu dilay 22 qof.
Safiirka Faransiiska, Frédéric Clavier, ayaa sheegay in kullanka uu cadeynaayo in Mali ay martigelin karto shirar caalami ah.
Illaa 10,000 oo askeri ayaa ka howlgali doonta Bamako, labada maalmood ee kullanka uu socdo.












