Safiirka Soomaaliya ee Washington oo ka hadlay dadkii la tarxiilay

Qoraalka Codka, Safiirka Soomaaliya ee Washington oo ka hadlay dadkii la tarxiilay
Published

Sagaashan qof oo laga soo tarxiilay Mareykanka ayaa shalay la geeyay Soomaaliya, kuwaas oo siyaabo kala duwan loo soo celiyay.

Dadkaasi ayaa isugu jiray kuwa xabsi lagu xukumay dhameystay oo dembiyo kala duwan geystay iyo dad loo diiday in sharci qaxooti la siiyo.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington, Axmed Cawad ayaa Qadka telefoonka ugu warramay Axmed Xaji Xasan.