CIA iyo FBI oo billaabay baaritaan ku aadan sirta la sheegay in laga faafiyay

Xigashada Sawirka, AFP
Hay'adaha faderaalka ee dalka Maraykanka ayaa billaabay baaritaan ku saabsan macluumaadkii dadwaynaha lala wadaagay ee faahfaahinayay sida ay CIA-du dadka u basaasto, sidaas waxaa sheegay saraakiil ka tirsan dalka Maraykanka.
Warbaahinta dalka Maraykanka ayay u sheegeen in FBI iyo CIA ay iska kaashanayaan baaritaankan ka dib markii uu websiteka siraha dusiya ee Wikileaks uu baahiyay kumanaan macluumaad.
Arrintan ayaa ku saabsan sheegashada ah in CIA-du ay samaysay qaabab ay ku dhagaysato codadka dadka adeegsada taleefoonada iyo telefishinada caaqilka ama casriga ah
Hay'adaha sirdoonka iyo kuwa dambi baarista ee FBI, CIA iyo waliba Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa dhamaantood diiday in ay ka hadlaan run ahaanshaha macluumaadkan la baaahiyay Talaadadii.

Xigashada Sawirka, Samsung
Afhayeen u hadlay CIA ayaa BBC-da u sheegay Arbacadii "in ay tahay in dadka Maraykanku ay ka walwalaan wax kaste oo uu shaaciyo Wikileaks oo looga gol leeyahay in lagu dhaawaco awoodii ay sirdoonku dadka Maraykanka kaga difaaci lahaayeen argagixisada iyo kuwa kale ee ka soo horjeeda.
'Dhaawac aan sahlanayn'
Saraakiil Maraykan ah oon magacooda rabin in la sheego ayaa Arbacadii warbaahinta dalka Maraykanka u sheegay in baaritaanadan lagu doonayo in lagu ogaado sida ay ku gali karaan gacmaha Wikileaks.
Baaritaankan ayaa sidoo kale la rabaa in lagu ogaado in u xaditaanka macluumaadkani uu ka dhacay gudaha ama dibadda CIA, ayay hadalka ku sii dareen saraakiishaasi.
CIA wali ma aysan xaqiijinin in ay sax yihiin macluumaadkan la baahiyay oo la aruuriyay intii u dhaxaysay 2013kii ilaa 2016kii.

Xigashada Sawirka, Reuters












