Carruur shuban ugu dhimatay Muqdisho
Published
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sagaal ah ay tan iyo bishii la soo dhaafay xanuunka shuban-biyoodka ugu dhinteen isbitaalka Banaadir.
Howlwadeennada caafimaadka ee isbitaalkaasi ayaa BBC u sheegay in todobaadyadii ugu dambeeyay halkaasi la geeyay boqolaal ilmo ah oo la ildaran xanuunkaasi.
Dhakhaatiirta ayaa sheegay in kuleylka iyo biyo yarida dalka ka taagan ay sabab u yihiin faafidda shuban biyoodka.
Dr Yaxye Cabdiqaadir Shoole oo ka howgala isbitaalka Banaadir, ahna madaxa wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya u qaabilsan dhallaanka, ayaa dhibaatada shuban biyoodka uga warramay Bashiir Maxamed Caato.