Soomaaalida Mombasa oo lacag u uruuriyay abaarta
Published
Inta badan magaalooyinka waaweyn ee ay Soomaalidu degto ayaa waxaa ka socda dadaallo loogu gurmanayo dadka ay abaarta hayso.
Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa jaaliyadda Soomaalida waxa ay ka ururisay lacag dhan 140 kun oo dollar, taasoo loogu talo galay dadka ay abaartu ku habsatay ee Soomaaliya.
Cabdiraxiin Cabdulahi Dhabar waxa uu ka ka mid yahay culimada magaalada Mombasa, isla markaana qeyb ka qaatay ururinta lacagtaasi. Waxa uu u warramay Bashir Maxamed Caato.