UNHCR oo dalbatay in baaritaan laagu sameeyo Soomaalidii Yaman lagu laayay
Published
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa ku baaqday in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo duqeyntii loo geystay qaxooti Soomaali ah oo todobadkii aynu soo dhafnay dooni ay sarnayeen loogu geystay xeebaha dalka Yemen.
Qaxootigaas ayaa la sheegay in ay wateen warqado aqoonsi rasmi ah oo ay bixisay hay'adda UNHCR, waxa ayna ku sii jedeen dalka Suudaan kahor inta aanay weerarin diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah.
Haddaba baaqan ayaa waxaanu ka wareysanay Ergeyga Gaarka ah ee UNCHR u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Maxamed Cabdi Affey oo khadka teleefoonka ugu waramay Maxamuud Cali Maxamed.


