Lacago abaarta loo uruurinayo

Qoraalka Codka, Dad abaar haysato
Published

Soomaalida ku dhaqan dalka Norway ayaa dhowr maalmood waxay uruurinayeen lacago ay ku taakuleynayaan dadka ay abaaruhu ku halakeeyeen Soomaaliya.

Dumar iyo dhalinyaro is xilqaamay ayaa siyaabo kala duwan ugu hawlan gargaar uruurintan, waxayna ilaa haatan ururiyeen lacag gaaraysa laba boqol oo kun oo doollar.

Haddaba, Fardowsa Maxamed Cilmi ayaa khadka taleefanka kula xiriirtay Axmed Cawad oo ka mid ah gudiga ku hawlan tabarruca, waxaanay ugu horrayn weydiisay qaabka ay tabarucaadka u ururinayaan.