Wasiirro xilalka la wareegay

Qoraalka Codka, Wasiirro xilalka la wareegay
Published

Magaalada Muqdisho waxa maanta ka dhacay dhawr munaasabadood oo ay xilalka kula wareegayeen wasiiradda cusub ee dawladda Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay xil wareejin ka dhacday xarunta wasaaradda maaliyadda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay bilaabayso nidaam ay ugu magac dartay "isla xisaabtanka dhabta ah".

Ra'iisul wasaaraha wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay bilaabayso nidaam ay ugu magac dartay "isla xisaabtanka dhabta ah".
Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay bilaabayso nidaam ay ugu magac dartay "isla xisaabtanka dhabta ah".
Xil wareejintii ka dhacday wasaaradda maaliyadda
Qoraalka sawirka, Xil wareejintii ka dhacday wasaaradda maaliyadda

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibrahim Maxamad Aadan, ayaa warbixinta ku eegaya nuxurka hadalladii uu ra'iisul wasaaruhu ka jeediyay xil wareejintii ka dhacaday wasaaradda maaliyadda.