Madaxweynaha Koonfur Afrika oo ka badbaaday baaqii ahaa in uu is casilo

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Koonfur Afrika ee uu cadaadisku haystay ayaa taageero ka helay guddi awood badan oo gaara go'aannada waawayn ee xisbiga talada haya ANC.
Guddigaas ayaa baaritaan ku samaynayay cabashooyin ay soo gudbiyeen dad jagooyin sarsare ka haya xisbiga ANC oo madaxweyne Jacob Zuma ku eedeeyay in uu ku guuldaraystay in uu kala tashado isku shaandhayntii uu ku sameeyay golaha wasiirrada.
Markii uu ka baaraan dagay cabashada, xisbigu ANC wuxuu go'aansaday in uusan wax cadaadis ah ku saarin Zuma in uu is casilo, sida uu sheegay masuul ka tirsan xisbiga.
Iscasilaad laga dalbaday
Midowga ururrada shaqaalaha ee dalka Koonfur Afrika ugu awoodda badan ayaa ugu baaqay madaxweynaha dalkaasi in uu xilka iskaga tago.
Xoghayaha guud ee Cosatu, Bheki Ntshalintshali, ayaa sheegay in Madaxweyne Jocob Zuma uusan ahayn wixii iminka ka dambeeya qofkii ku haboonaa ee waddankaasi hogaamin lahaa.
Dadkii ka soo qeyb qaatay dagaalkii looga soo horjeeday midab takoorka ayaa sidoo kale ugu baaqay xisbiga haatan talada haya ee ANC in ay dib ugu yeeraan madaxweynaha.

Xigashada Sawirka, Reuters
Zuma ayaa wajahaya cambaareyn xoog leh ka dib markii uu shaqada ka ceyriyay wasiirro tiro badan oo uu ka mid yahay wasiirkii maaliyadda Pravin Gordhan oo aad loo xushmeeyo.
Waxay tallaabadaasi horseedday in uu dhulka galo dhaqaalaha waddankaasi.
Ururka ay shaqaalaha ku midoobeen ayaa ka mid ah ururrada ugu awoodda badan ee gacan saarka la lahaa xisbiga haatan talada haya ee ANC, waxaana la sheegay in xubin ay ka yihin dad gaaraya 1.8 malyuun oo qof.












