Wareysi : Aragtida aduunku ka haysto Soomaaliya sawir wax ma looga badali karaa?
Sannadihii ugu dambeeyey waxaa kordhay dhalinyaro isugu jira gabdho iyo wiilal iskood isku xilqaamay oo waqtigooda iyo hantidooda galiyey sidii ay sawiro iyo muuqaallo qurxoon uga gudbin lahaayeen dhulalka Soomaalida, kuwaasi oo ku doodaya inay doonayaan inay wax ka badalaan aragtida iyo sawirada xun ee Soomaalida uga jira baraha Internet-ka, iyagoo doonaya inay waji qurxoon ka soo bandhigaan magaalooyin iyo deegaanno badan.
Waxay xoogga saareen in ay sawiro ka soo qaadaan goobaha dalxiiska, xarumaha ganacsiga, astaamaha taariikhiga ah, baddaha iyo Wabiyadda.
Waxaan arrimahaas ka wareysanay Mukhtaar Nuur oo ah sawir qaade deegaanno badan oo Soomaaliyeed sawirro qurxoon ka qaaday, Mowliid Xaaji Cabdi ayuu u waramay.
SAWIRADA: Mukhtaar uu qaaday qaar ka mid ah

Xigashada Sawirka, MUKHTAR NUR

Xigashada Sawirka, MUKHTAR NUR

Xigashada Sawirka, MUKHTAR NUR

Xigashada Sawirka, MUKHTAR NUR

Xigashada Sawirka, MUKHTAR NUR