Somaliland oo laga bilaabayo bixinta kaadhadhka doorashada

Qoraalka Codka, Somaliland oo laga bilaabayo bixinta kaadhadhka doorashada
Published

Somaliland waxaa ka bilaaban doonta qaybinta kaadhadhka labada gobol ee Awdal iyo Saaxil iyo deegaanada xeebta ee gobolka sanaag. Gobol weliba qaybinta kaadhadhka codbixiyaashu waxay ka soconeysaa saddex todobaad oo qof waliba uu tegaayo goobtii uu markii hore iska diiwaangeliyay .

Doorashada madaxtinimada Somaliland oo laba jeer dib u dhacday ayaa haatan loo qorsheeyay 13 -ka bisha November ee sannadkan.

Arrimahaasina waxaan ka waraysanay Afhayeenka guddiga Doorashooyinka Soomaaliland Saciid Cali Muuse oo hada Berbera ku sugan.