U codee gabadha noqonaysa cayaartoyga sannadka ee BBC

Shanta gabdhood ee tartamaya

Xigashada Sawirka, BBC Sport

Qoraalka sawirka, Shanta gabdhood ee tartamaya
Published

Shan gabdhood ayaa isugu soo haray gabadha cayaartoyga sannadka 2017 ee BBC, codayntuna iminka way socotaa.

Tartamayaasha waxay kala yihiin:

  • Melanie Behringer (Bayern Munich iyo cayaartoy hore ugu cayaartay xulka Jarmalka)
  • Ada Hegerberg (Weerar-yahanad, Olympique Lyonnais iyo Norway)
  • Hedvig Lindahl (Goolhaye, Chelsea iyo Sweden)
  • Marta (Weerar-yahanad, Orlando Pride iyo Brazil)
  • Christine Sinclair (Weerar-yahanad, Portland Thorns iyo Canada)

Hal qof oo kaliya ayaad u codayn kartaa wixii ka horreeya 15 May, saacaddu markay tahay 08:00 GMT oo la mid ah 11:00 barqannimo ee saacadda Afrikada Bari.

Gabadha guulaysata waxaa lagala socon doonaa BBC World Service iyo barta bbc.com/womensfootball Talaadada ay taariikhdu tahay 30 May 2017.