Dad badan oo cudurka shuban biyoodka ugu dhintay deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed
Published
Dhawaantan hay'adaha samaflka ee ka howlgala Soomaaliya ayaa sheegay in tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan ay boqolaal qof cudurka shuban biyoodka ugu dhinteen deegaano ka mid ah dalka.
Xanuunkan ayaa loo aanaynayaa inuu qeyb ahaan ka dhashay cuno iyo biyo la'aanta ay sababtay abaarta ku habsatay Soomaaliya, taas oo keentay nafaqodarro haleesha carruurta yaryar, kuwaas oo u nuglaada cudurada dilaaga ah.
Deegaannada uu cudurka shuban biyoodka saameeyay waxaa ka mid ah gobollada Koonfur Galbeed, halkaas oo aannu ka wareysannay wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi, oo u warramay Ciise Xaaji Cabdulle.