Australia oo qorshaynaysa in ay baasaboorrada u diido dadka carruurta faraxumeeya

Dad lagu qiyaasay 800 oo ku jira diiwaanka dadka carruurta faraxumeeyay ayaa Australia ka safray iyaga oo dalal dibadda ah aaday sannadkii 2016kii

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dad lagu qiyaasay 800 oo ku jira diiwaanka dadka carruurta faraxumeeyay ayaa Australia ka safray iyaga oo dalal dibadda ah aaday sannadkii 2016kii
Published

Dawladda Australia ayaa qorshaynaysa in ay baasaboorrada u diido dadka lagu xukumo in ay faraxumeeyeen carruur iyada oo u cuskanaysa qorshe cusub oo ay dawlladdu wado kaas oo ah "midkii koobaad ee noociisa ah ee adduunka" soo mara.

Hindisahan oo baarlamaanka la horgaynayo ayaa safarrada dalka dibaddiisa ah ka mamnuuci doona dadka loo diiwaangaliyo in ay carruur faro xumeeyeen.

Wasiirka caddaaladda Michael Keenan ayaa sheegay in arrintan ay saamayn doonto dad ku dhaw 20,000 oo qof oo soo dhamaystay ciqaabtii lagu xukumay laakiin wali ay dawladdu dusha kala socoto hab dhaqankooda.

Dadka faraxumaynta gaysta ayaa awoodi doona in ay baasaboorro codsadaan waase haddii laga saaro diiwaanka, sida ay dawladdu sheegtay.

Michael ayaa sheegay in ay xukuumaddu qaadatay go'aankan adag si ay muwaadiniinteeda uga hor istaagto in ay aadaan dalal nugul si ay carruur u faroxumeeyaan.

Dad lagu qiyaasay 800 oo ku jira diiwaanka dadka carruurta faraxumeeyay ayaa Australia ka safray iyaga oo dalal dibadda ah aaday sannadkii 2016kii, sida ay dawladdu sheegtay.

Robert Andrew Fiddes Ellis oo Australian ah oo dhanka midig ka muuqda ayaa sannadkii hore lagu xukumay Indonesia isagoo faraxumayn loo haysto

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

Qoraalka sawirka, Robert Andrew Fiddes Ellis oo Australian ah oo dhanka midig ka muuqda ayaa sannadkii hore lagu xukumay Indonesia isagoo faraxumayn loo haysto