Daawo: Masjid 800 oo sano jiray oo la qarxiyey
Published
Milateriga Ciraaq ayaa shaaciyey Fiidiyow ay sheegeen in uu muujinayo masaajid qadiimi ah oo ku yaalla Moosil oo la yiraahdo Al Nuuri oo la burburinayo.
Fiidiyowga waxaa ka muuqda munaarad uu masjidka caan ku yahay oo janjeerta, taasoo la qarxinayo.
Waxay ku eedeeyeen kooxda la magac baxday dawladda islaamiga inay qaraxa ka dambaysay, ayagoo doonayey inay joojiyaan askarta ku soo durkaysay, kooxdana waxay ku eedeysay xulafada Maraykanku hogaamiyo inay duqeeyeen.