Gaari kuwa fiilooyinka ku socda ah oo shil ku galay Jermalka

Dabdamiska ayaa qiimaynaya inta uu la egyahay burburka ka dhashay shilka ka dhacay magaalada Cologne

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dabdamiska ayaa qiimaynaya inta uu la egyahay burburka ka dhashay shilka ka dhacay magaalada Cologne
Published

Ugu yaraan 75 ayaa laga soo badbaadiyay gaadhi kuwa fiilooyinka ku socda ah ka dib markii uu dul istaagay oo uu ka soo laadlaadsamay meel afartan mitir ka saraysa wabiga Rhine ee ku yaalada magaalada Cologne ee dalka Jermalka.

Shaqaalaha Gurmadka degdegga ah ayay u suurtagashay in ay soo badbaadiyaan dadka, kadib markii ay rakaabku saacado ka laadlaadeen hawada.

Sawirro laga helay goobta ayaa muujinaya carruur la badbaadinayo, lamana soo sheegin dad dhaawacmay.

Arrintan ayaa la sheegay in ay sababtay ka dib markii gaarigu uu ku dhacay mid ka mid ah tiirashii hayay fiilooyinka uu gaarigu ku socday

Dhammaan 32 gaari oo la rumaysan yahay in ay markaas adeegsanayeen isla khadkan fiilooyinka ayaa la hakiyay ka dib markii ay xaaladdani dhacday.

Nin dhulka loo sii wado oo xajinaya ilmo yar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Nin dhulka loo sii wado oo xajinaya ilmo yar
Shaqaalaha dabdamiska ayaa adeegsday wiishash si ay u soo badbaadiyaan dadka oo ka laadlaaday meel 40 mitir ka sarraysa dhulka

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Shaqaalaha dabdamiska ayaa adeegsday wiishash si ay u soo badbaadiyaan dadka oo ka laadlaaday meel 40 mitir ka sarraysa dhulka
Qof rakaab ah oo ka war dhawraya samatobixiyeyaasha

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Qof rakaab ah oo ka war dhawraya samatobixiyeyaasha
Haweenay iyo ilmo la badbaadinayo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Haweenay iyo ilmo la badbaadinayo