Geed soo jabay oo dad ku dilay Bortaqiiska

Xigashada Sawirka, EPA
Published
Ugu yaraan saddex iyo toban qof ayaa ku dhintay afartan iyo sagaal kalena kalena way ku dhaawacmeen Kaniisad ku taalla jasiiradda Madeira ee dalka Bortaqiiska.
Muuqaal la soo saaray ayaa muujinayay in geedku uu ku soo dhacay goob ay dad badan ku cibaadeysanayeen oo ku taalla magaalada Funchal ee jasiiraddaasi. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray labo carruur ah.

Xigashada Sawirka, EPA
Kooxaha gargaarka deg degga ah ayaa goobta gaaray kaddib mashaqada, iyagoo gargaar u fidinaya dadka dhaawacmay.
Wararka ayaa sheegaya in geedka soo jabay uu jiray labo boqol oo sano.








