Dhoofka xoolaha nool oo sare u qaaday dakhliga Somaliland

Qoraalka Codka, dakhliga xukuumada iyo tan deegaanka ee dawladda hoose
Published

Xoolaha faraha badan ee laga dhoofinayo xilligan xajka dekedda Berbera ayaa waxaa ka dhashay in uu kordho dakhliga xukuumadda iyo tan deegaanka ee dawladda hoose ee Somaliland.

Weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige oo maalmahan shaqo u joogay Berbera ayaa wuxuu arrintan iyo lacago xukuumada Somaliland ka heshay ilaa iyo hadda sharikadda DP World ee maamulka dekedda Berbera lagu wareejiyay ka wareystay Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland, Zamzam Cabdi Aadam, oo joogta Berbera.