Dhul lama degaan ahaa oo si lama filaan ah doog ku noqdey dalka Chile

Dad badan oo u dhashay dalka Chile iyo kuwa dibada ka yimid ayaa u dalxiis tagay ubaxyadda kasoo baxay lama degaanka

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dad badan oo u dhashay dalka Chile iyo kuwa dibada ka yimid ayaa u dalxiis tagay ubaxyadda kasoo baxay lama degaanka
Published

Kadib roobab mahiigaan ah, islamarkaasina si lama filaan ah kaga da'ay waqooyiga dalka Chile ayaa ka dhigey dhulkii lama degaanka ahaa Atacama mid doog ah.

Arrintan ayaa dhacda shan ama toddobo sanno kasta , waxaana la sheegey in iniinyo dhulka hoostiisa ku duugan ay soo biqlaan marka uu roobku da'o.

Caadiyan dhulka waa mid aad u qalalan oo aanan lagu arag hal geed oo caleen leh, waxayna arrintan ka yaabisey dadka reer Chile oo hadda ku xoomaya si ay sawirro ugu soo galaan.

Illaa 200 nooc oo ubaxyo iyo dhir kale ah ayaa ka baxay lama degaankan sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Dhulka oo dhan ayaa waxaa wada qabsaday ubaxyo illaa inta ishaadu ku daasho

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dhulka oo dhan ayaa waxaa wada qabsaday ubaxyo illaa inta ishaadu ku daasho
Midabada ubaxyada ayaa waxa u badan caddaan

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Midabada ubaxyada ayaa waxa u badan caddaan
Qaar kale waa jaalle

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Qaar kale waa jaalle
iyo midabo kale

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, iyo midabbo dhiin ah
Sidan ayuu ahaa markii hore, waxaana lagu qaban jirey tartanka mootooyinka ee Atacama Rally loo yaqaano

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Sidan ayuu ahaa markii hore, waxaana lagu qaban jirey tartanka mootooyinka ee Atacama Rally loo yaqaano