Dhibaatada ay maraan dadka noolal wanaaagsan ka raadinaya Yurub

Xigashada Sawirka, YAYA SANGARE
Saddex sawir oo kali ah ayaa Yaya Sangare uga haray qoyskii uu lahaa oo ka koobnaa 5 qof.
Waxa ay ahayd 9 bilood ka hor markii xaaskiisa iyo laba wiil oo uu dhalay ay ku qaraqmeen xeebaha Liibaya.
"Waxa aan ku hayay gacmahayga wiilkayga markaas dhashay ee Kami Davide markii uu dhimanayay,"ayuu si qiiro leh u yiri.
Yaya Sangare waxa taleefoonkiisa gacanta ugu jira sawirada qoyskiisa.
Xaaskiisa Seri Dejezi iyo laba wiil oo ay u dhashay oo 12 jir iyo 14 ay da'doodu ahayd ayaa ku dhintay badda Mediterranean ka dib markii ay degtay doonidii ay saarnaayeen.
Yaya Sangare oo imika gaaray dalka Taliyaaniga gaar ahaan magaalada Napoles ayaa ka warbixiyay musiibadaasi.
Waxa uu fadhiyaa goob laga cunteeyo isaga oo rogrogaya sawirada wiilashiisa badda ku dhintay.
"Wiilashani...aad Ayaan u jecelahay."ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, YAYA SANGARE
Waxaa qoyska Yaya imika ka soo haray isaga iyo gabadhiisa Deborah oo jirta 4 sano.
Gabadhani yar ayaa qoslaysa islamarkana heeseysa mararka qaarna soo dhufanaysa gacmaha aabaheed si uu ugu soo jeedsado.
Gabadhan yar ee Deborah waxa ay saarnayd Doonida maalinkii ay badda ku dhimanayeen hooyadeed iyo wiilasha la dhashay.
"Waan u sheegayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa dhacay oo mararka qaar ay xusuusato ,balse maalin Ayaan inta aan la fariisto u wada sheegi doonaa sheekada ,balse hadda way igu adagtahay"ayuu yiri Yaya.
Asal ahaan Yaya waxa uu ka soo jeedaa dalka Ivory Coast, waxa uuna dalkaasi ka soo qaxay xiligii dagalkii sokeeye ee 2002.
Yaya Sangare markii uu dalkiisa ka soo qaxay waxa uu ka gudbay saxaaraha Mali ka dib waxa uu uga sii gudbay Algeria,waxa ayna isaga iyo qoyskiisa ku noolaayeen xero qaxooti.
Yaya ayaa Algeria,uga sii gudbay Liibiya oo ay isaga iyo qoyskiisa ku sugnaayeen saddex bilood.

Xigashada Sawirka, YAYA SANGARE
Hasa yeeshee,Yaya waxaa ka go'nayd in uu Yurub gaaro isaga oo badda sii maraya.
Badda u dhaxaysa Liibiya iyo Taliyaaniga ayaa marin u ah muhaajiriin badan oo doonaya in ay gaaraan Yurub.
Intii u dhaxaysay Janaayo iyo bisha August ee sanadkan, 97,000 oo qof ayaa si sharci daro ah ku galay dalalka Yurub sida ay sheegtay hay'ada caalamiga ee socdaalka(IOM).
Balse marinkan badda ayaa ah mid dhib badan oo ay dad badan ku dhinteen.
In ka badan 2,000 oo qof ayaa ilaa iyo hadda ku dhintay badda sanadkan oo kali ah.
"Waxa aan rabnay in aan ka tagno liibiya sababtoo ah Liibiya waa meel dhib badan waxa aan doonayay in aan qoyskeyda noolal wanaagsan Yurub uga raadiyo,"ayuu yiri Yaye.
Waxa uu sheegay in xaaskiisa iyo caruurtiisa uu waayay markii ay doonida rogmatay ka dib na uu maydkooda uu arkay.

Xigashada Sawirka, YAYA SANGARE
Yaya Sangare si uu magaalada Sicily ee Taliyaaniga u gaaro waxa uu dadka wax tahriibiya siiyay in ka badan $3,560 doolar.
"Waxaa doonida saarnaa 154 qof dhamaanteenana waan is dulsaarnayn,"ayuu yiri Yaya.
Yaya Sangare oo u waramay BBC ayaa sheegay in doonidii uu saarnaa ay ka badbaadeen 19 qof oo kali ah.












