Madaxweyne Guatemala oo eryay masuul Qarammada Midoobay

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Guatemala ayaa amray in dalkiisa uu isaga baxo madaxa waaxda musuqmaasuq la dagaalanka ee Qaramada Midoobay.
Madaxweyne Morales ayaa amray in dalka si degdeg ah looga saaro Iván Velásquez Gómez's, sida uu ku soo duubay muuqaal la baahiyay Axaddii.
Maxkamadda dastuuriga ah ayaa durba hor istaagtay amarkaas, laakiin Morales ayaa sheegay in maxkamaddu aysan lahayn awood ay ku hor istaagto amar madaxwene oo la xiriira arrin arrimo dibadeed.
Guddigan Qaramada Midoobay ayaa taageeray baaqyada ku saabsan in Morales laga qaado xasaanadda siyaasadeed.
Dacwad oogeyaasha Guatemala ayaa Morales ku eedeeyay in uu lacago khalad ah u adeegsaday ol'olihii doorashada ee sannadkii 2015kii.
Muuqaal uu baraha bulshada soo dhigay Morales ayuu ku sheegay in garyaqaan Iván Velásquez oo reer Colombia ah uu isaga tago dalkiisa.








